Somalia oo ciyaartay kulankii labaad ee tartanka Ajaanibta oo ka socda magaalada Bergen.

Waxaa si habsami leh uga socda tuulada ciyaaraha xaafada Møhlenpris Bergen Internasjonale fotballturnering oo ah tartan Sporti oo caalami ah kaasoo loo qabto kooxo matalaya Jaaliyadaha ay asal ahaan ka soo jeedaan.

Ciyaartoyda matalaya Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland gaar ahaan magaalada Bergen ayaa kulankii labaad ee ka tirsan tartanka kubadda cagta ay la ciyaareen Jaaliyadda wadanka Chile ee laatiin Ameerika oo ay ku wada jiraan qaanada A, ciyaartaasoo kusoo dhammaatay 9-gool iyo Eber oo ay guusha ku raacday mar kale wiilasha matalaya Soomaaliya.

Ciyaarta galabta dhexmartay xulalka Soomaaliya iyo Chile ayaa ahayd mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badnaa ee isha lagu hayay, waxaana usoo daawasho tagay taageerayaal aad u fara badan oo labada kooxood kala taageerayay.

Ciyaartoyda Soomaaliya marka laga soo taago guusha baaxad weyn oo ay ka gaareen ciyaarta, haddana waxay soo bandhigeen ciyaar qurux badan oo ay u riyaaqeen taageerayaashii usoo daawasho tagay, waxayna muujiyeen bandhig cajiib ahaa, iyagoo inta badan ahaa kooxda iska maamulanaysa garoonka.

Guusha ay gaareen wiilasha Soomaaliya ayaa ka dhigan inay xaqiijisadeen usoo bixida wareega xiga ee bug baxa, in kastoo maalinta sabtida ay ciyaari doonaan kulanka saddexaad ee heerka Groupyada.

Den somaliske foreningen i Hordaland.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *