WARGELIN: Kulanka wadatashiga Doorashada maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland.

 

Dhammaan bulsho-weynta Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen sida aan u wada dhan-nahay waxay Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland idinku casuumaysaa kasoo wada qeyb galka kulan maalinta Sabtida ah ka dhici doona hoolka Vitalitetsenteret Frivilligsentral Xaafadda Møhlenpris.

Sida ku cad Wargelinta hoos ku lifaaqan….kulankaan wuxuu u furan yahay qof kasta….waana mid aan kaga wada tashan doono aayaha iyo midnimadeena ku aadan sidii aan ku xoojin lahayn arrimaha Jaaliyadda iyo wadatashiga Doorashada maamulka Jaaliyadda.

Faah-faahin dheeraad ah haddii aad u baahato la xirriir xubnaha maamulka Jaaliyadda.

Kasoo qeyb gal-wanaagsan dhammaanteen.

Mahadsanidiin.

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *