VIDEO+SAWIRO: Xaflada abaal-marinta Somaliske foreningen Football Award Bergen-Norway.

Xaflad si heersare ah loo soo agaasimay oo ay soo qaban-qaabisay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland laguna bixiyey Koobab iyo abaalmarino kale oo shaqsiyadeed oo dhinaca Ciyaaraha (Den Somaliske Foreningen I Hordaland Football Award 2024) waxaa lagu qabtay Vitalitetsenteret.

Xafladaas oo loogu tala-galay mid is-dhexgal ayaa waxaa halkaas lagu guddoonsiiyey Koobab kooxihii ku guuleestay kaalmaha koowaad iyo labaad tartankii Todobaadka xoriyadda Soomaaliya 1-da Luulyo Cup 2024, halka sidoo kale abaalmarino shaqsiyadeed la bixiyey.

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland waxay mar kale hambalyo u direysaa kooxaha Tusmo iyo Agagu oo kaalmaha koowaad ku kala guuleestay iyo kooxaha Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Vestland matalayay iyo kooxda Sletten Palace FC oo kaalmaha labaad galeen.

Waxaa kasoo qeyb galay Culumo, Madax iyo marti sharaf kale oo dhinaca ciyaaraha taariikh wanaagsan ku dhex leh Jaaliyadda Soomaaliyeed iyo guud ahaan Soomaaliya, waxayna dhammaantood maamulka Jaaliyadda ay ku amaaneen doorkeeda shaqo.

Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland waxay mahad-celin aan lasoo koobi Karin u direen Hersi Hassan Farah (Gaabow) oo door-dhaqaale iyo garab istaag muuqda kaga qeyb qaatay qeyb weyn oo ka mid ahaa abaalmarinadii xaflada lagu bixiyey.

Si la mid ah Maamulka Jaaliyadda waxay u mahadcelinaysaa ururka Tusmo oo xaflada kaga qeyb qaatay casho sharaftii ay u sameeyeen ciyaarooyda iyo kasoo qeyb galayaashii.

Waxaa kale oo ay jaaliyadda u mahadcelinaysaa dhammaan kasoo qeyb galayaashii oo ay ugu horeeyaan Legend ciyaaraha taariikh wanaagsan ku leh.

Waxaan u mahadcelinayaa Xildhibaanad Amina Ali Amin oo ah mudane ka tirsan golaha deegaanka Magaalada Bergen (AP) iyo Imam Abdi-ladif Ahmed (Bergen Møske).

Ugu danbeyntii waxaan u mahadcelinayaa Ciyaartoyda iyo macalimiinta jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland oo qaar ka mid ah abaalmarino shaqsiyaadeed la guddoonsiiyey.

HALKAN HOOSE KA DAAWO VIDEO-GA XAFLADA OO DHAMEESTIRAN:-

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *