Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland oo magaalada Bergen ku qabtay koob lagu maamuusayay 26-ka Juni iyo 1-da July.

Waxaa maalintii Sabtida ahayd 6/07/2024 lagu qabtay garoonka ciyaaraha Møhlenpris ciyaaro kubadda cagta ah oo lagu maamuusayay xuska todobaadka xoriyadda Soomaaliya ee 26-ka Juni iyo 1-da July, ciyaarahaasi oo uu soo agaasimay Guddoomiyaha Ciyaaraha iyo dhaqanka jaaliyadda Soomaaliyeed ee ka dhisan gobolka Hordaland Fatuuraad C/raxmaan.

Kooxihii ka qeyb galay tartankan, waxay ka koobnaayeen 6-kooxood oo laba ka mid ah ay ahaayeen ciyaartooy da’dooda ay ka yarayd 12-Sano, labadaasi kooxood waxay kala matalayeen Ururada Tusmo iyo Ururka Haweenka Soomaaliyeed (Den Somalisk kvinneforening i Hordaland) oo ka dhisan isla gobolka Hordaland, waxaana labadaasi kooxood loo dhigay koob u gaar ahaa, halka 4-kooxood ee kale oo ku ciyaarayay magacyada Sletten FC, FC Nyash, FC Libaax iyo FC Wax-kale ayaa loo sameeyey qori-tuur sida ay isku arkayaan koox waliba.

Hase’yeeshee intaasi kadib waxaa bilaabatay ciyaartii dhexmartay kooxaha Tusmo iyo Ururka Haweenka Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland, iyadoo wareegii hore lagu kala nastay laba gool iyo waxba oo ay hogaanka ku qabteen wiilasha Tusmo, markii la isku soo noqday ciyaarta qaybtii labaad ayaa waxaa haddana weerar iyo weerar celis ka dhex bilaabatay ciyaartoydii oo labada dhinac ay soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badnayd, in kastoo gaba-gabadii ay kusoo idlaatay 5-2 oo ay guusha ku raacday wiilasha Tusmo oo sanadkii labaad oo xirriir ah ku guuleystay koobka dabaaldaga todobaadka xoriyadda Soomaaliya oo sanad waliba lagu qabto magaalada Bergen ee dalka Norway.

Intaasi kadib, waxaa halkaasi ka bilowday ciyaarihii la wada sugayay oo ay dhexmartay kooxaha Sletten FC, FC Nyash, FC Libaax iyo FC Wax-kale, kaas oo ahaa mid is wada arag ah oo ay ciyaarta kama dambeysta ah u gudbayeen labada koox ee ugu dhibcaha sareeya heerka Group-yada, waxaana kaalmaha koowaad iyo labaad kusoo kala baxay FC Nyash iyo Sletten FC.

Ciyaartii kama dambeysta oo ahayd mid wadatay xiiso iyo xamaasad gooni ah ayaa mar kale garoonka ku dhexmartay wiilasha Sletten FC iyo FC Nyash.

Ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay 4-2 oo ay guusha ku raacday kooxda kubada cagta FC Nyash oo sanadkan lasoo shir tagay ciyaartooy aad u wanaagsan, waxayna u awood sheegteen wiilasha Sletten FC kuwaas oo tartan adag u galay inay koobka hantiyaan maadaama sanadkii hore ay kaalinta labaad ka galeen tartanka, iyagoo mar kale ku guul-daraystay inay koobka qaadaan, hase yeeshee intii uu tartanka socday waxay soo bandhigeen ciyaar heerkeedu uu aad u sareeyey taasoo ay u riyaaqeen daawadayasha iyo gudigii ciyaaraha.

Gaba-gabadii tartanka Guddoomiyaha ciyaaraha iyo dhaqanka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Fatuuraad C/raxmaan ayaa sheegay in la qaban doono xaflad gaar ah oo koobabka iyo biladaha kale lagu guddoonsiin doono kooxihii guuleystay iyo kuwa kaalmaha labaad galay, isagoo u mahadceliyey ciyaartooydii kasoo qeyb gashay, guddigii qaban qaabada iyo garsoorkii ciyaarta oo si wanaagsan u maamulay intii uu tartanka socday.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *