Den Somaliske Foreningen i Hordaland arrangerte den 29.10.2023 et program om sportens innvirkning på integrering. Under arrangementet ble det også avholdt en takkefest, hvor anerkjennelse, æresbevisninger, oppmuntrende ord og betydningen av samarbeid blant ungdommene som deltok i fotballturneringen ble understreket. Denne turneringen samlet somaliske team som konkurrerte i Vestlandets internasjonale fotballturnering, og den har hatt en betydelig positiv effekt på integreringsfelte på flere måter: Den har skapt blant annet, Sosial integrasjon, der mennesker fra forskjellige kulturer møtes. Dette hjelp mange av oss å bygge relasjoner, forstå andre kulturer og bygge et sosialt nettverk.
Felles språk på de ulike kulturer var norsk, og dette har hjulpet mange til å snakke og utrykke sine meninger på norsk. Kommunikasjon er nødvendig der ulike kulturer møtes, og det må være et felles språk for å kunne kommunisere.
Gjennom sport, kan man forbedre den mentale helsen og lindre stress og hjelpe til å tilpasse seg i den nye miljø. Å delta i slike arrangementer, kan gi følelse av tilhørighet i det samfunnet man lever i. Det er også kulturell utveksling, hvor ulike kulturer møter og deler sine tradisjoner.
Den Somaliske Foreningen har alltid bidratt til å fremme integreringen og samhold gjennom ulike aktiviteter som blir holdt gjennom året.
———————————————————————————————————————————–
29-kii Oktoobar 2023, Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Hordaland ayaa soo qabanqaabiyay barnaamij ku saabsan saameynta uu ciyaaruhu ku leeyahay isdhexgalka bulshada. Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay koobab, shahaado sharaf, maamuus, erayo dhiirigelin ah iyo muhiimadda ay leedahay in la iska kaashado dhallinyaradii ka qeybgashay tartanka kubadda cagta.
Tartankan ayaa waxaa isugu yimid xulal Soomaaliyeed oo ka qeyb galay tartanka kubbadda cagta ee Galbeedka Norway, waxaana uu saameyn wanaagsan ku yeeshay dhanka is-dhexgalka dhinacyo kala duwan, waxaana ka mid ah, is dhex galka bulshada oo ay ku kulmaan dad kala dhaqan duwan. Tani waxay naga caawisaa qaar badan oo naga mid ah inay dhisaan cilaaqaad, fahmaan dhaqamada kale oo aynu dhisno shabakad bulsho.
Luqadda ay wadaagaan dhaqamada kala duwani waxa ay ahayd norweji, taasina waxa ay ka caawisay dad badan in ay ku hadlaan oo ku sheegaan fikradahooda norwejiga. Xidhiidhku waa lama huraan marka ay ku kulmaan dhaqamo kala duwan, waana in uu jiro af la wada leeyahay oo lagu wada xidhiidhi karo.
Isboortiga, qofku wuxuu wanaajin karaa caafimaadka dhimirka wuxuuna yareyn karaa walbahaarka wuxuuna caawin karaa inuu la qabsado jawiga cusub. Ka qaybqaadashada dhacdooyinkan oo kale waxay siin kartaa dareenka lahaanshaha bulshada aad la nooshahay. Waxa kale oo jira isweydaarsi dhaqameed, halkaas oo dhaqamo kala duwani ku kulmaan oo ay wadaagaan caadooyinkooda.
Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland ayaa had iyo jeer ka qayb qaata horumarinta is-dhexgalka iyo isku dhafka iyada oo loo marayo hawlo kala duwan oo la qabto sanadka oo dhan.