Guddoomiyaha Sportiga Jaaliyadda oo kulan mahadcelin ah la yeeshay guddiga kubada cagta Bergen.

Maamulka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland ayaa kulan mahadcelin hordhac ah kula yeeshay xafiiska Jaaliyadda qaar ka mid ah guddigii is xilqaamay ee kubada cagta ku matalayay tartankii dhawaan soo dhammaaday VESTLAND INTERNASJONAL FOTBALLTURNERING, tartankaas oo wiilasha Soomaaliya matalayay ay ka galeen kaalinta labaad isla markaana kusoo bandhigeen ciyaar heerkeedu sareeyey.

Guddoomiyaha Sportiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Faturad Abdirahman oo uu wehliyey Guddoomiyaha Jaaliyadda Bile Mohamed Abdi ayaa todobaadkii lasoo dhaafay xafiiska Jaaliyadda kula kulmeen Sultan Mohamed Awil oo qeyb weyn ka geystay in dhalinyaraddii tartanka ka qeyb gashay la isku keeno si ay magaca Soomaaliya u matalaan ahna kabtan ku xigeenka, Tababare ku xigeenkii Abdinajib Adan Mohamed iyo Osman Sheekh Ali oo ahaa qabiir dhinaca ciyaaraha oo talooyin la mahdiyey siinayay tababarayaasha iyo ciyaartoyda.

Kulanka waxaa ka maqnaa oo howlo shaqo iyo fasaxba ku kala maqnaa Tababare Ahmed Key iyo Kabtanka koowaad Hassan Osman oo uu Guddoomiye Faturad ku casuumay kulankaas oo ahaa mid mahadcelin ah.

“In Muddo ah ayaa kasoo shaqeynayay Sportiga dhalinyarada Bergen….Koobka Ajaanibta ee sanadlaha waxaan ka qeyb galay anigoo ciyaartoy ah iyo anigoo macalin ahba….waligey ma helin waad ku mahadsan tahay shaqadaa qabatay cid I dhahaysa aniga iyo dhalinyaraddii kale ee doorka ku lahaa tartamadaas iyo tartamooyin kale oo aan ka qeyb galnay…..Laakiin hadda waxaan dareemay in aan heysano Jaaliyad inooga mahadcelinaysa shaqada aan bulshada u heyno….Sidoo kale inta uu tartanka socday wax kasta oo niyada ciyaartoyda, macalimiinta iyo qabiirada is xilqaamay loogu dhisayay Jaaliyadda way noo sameysay….idinka ayaa mudan in niila mahadceliyo” waxaa sidaas mahadasha mahadcelinta ka yiri Abdinajib Adan Mohamed.

Ugu danbeyntii Guddoomiyaha Sportiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland Faturad Abdirahman ayaa xubnihii uu la kulmay u sheegay in si guud Jaaliyada ay u agaasimi doonto kulan weyne loogu mahadcelinayo ciyaartoydii ka qeyb gashay tartamadii soo qabsoomay laga soo bilaabo tartankii todobaadka xoriyada ee halka maalin ku ekaa iyo Koobkii VESTLAND INTERNASJONAL FOTBALLTURNERING, halka dhankoodana uu ka dhagaystay warbixin guud oo ay ka siiyeen habka ugu wanaagsan ee lagu hormarin karo Sportiga magaalada Bergen.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *